1 min read

Hoggaamiyihii kooxda Wagner oo aas gaar ah loo sameyay.

Madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa lagu aasay qubuuro gaar ah oo ku yaalla magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka.

Waxaa la sheegay in aasku ahaa mid loo sameeyay qaab gaar ah, hase yeeshee waxaa loo sheegay dadka doonaya in ay macsalaameyaan in ay booqan karaan halka lagu aasay ee xabaalaha “Porokhovskoye”.

Goor sii horeysay, saraakiisha Ruushka ayaa xaqiijiyay geerida madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah kadib markii ay sameeyeen baaritaanka hidde-sideyaasha toban meyd oo laga helay diyaarad 23-kii Agoosto ku burburtay meel u dhow magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Aqalka Kremlin-ka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa shilka diyaaradeed ee uu ku dhintay Prigozhin.