1 min read

Fad ama ha fadin Jaamacadeey.!!!. WQ: Prof.Yaxye Amir

Go’aankii Wasaradda waxbarashada. Marka Go’aan la gaarayo waa in dhinacyo badan laga fiiriyo, oo lagala tashado Cidda uu khuseeyo ee la rabo in ay fuliso.

Go’aankii lagu kordhinayay Muddada wax barasho ee heer Jaamacadeed ee looga dhigay 5ta Sano. Horeba kuliyadaha qaar ayaa u ahaa 5 Sano.

Ka hor 1991dii Jaamacadii Ummadda waxaa jiray Muddo 6 Billood aheyd oo loo yaqiin ( Zero Semester) oo aan lagu tirineryn Takhasuskaaga, kaliya laguu diyaarinaa Luqadda aad wax ku bara doonto.

Waxaa ka muuqdo Go’aankan

1. Haddii si Caqli gal ah aad u fiiriso “year Zero” Sanadka Eber ee lagu kordhiyay Jaamacadaha waxa ay aheyd Maadooyinkaa in uu Ardaygu ku soo qaato Dugsiga Sare.

2. Waxa la yaabka leh, Maadooyinka lagu kordhiyay Jaamacaduhu ma ahan Takhsuska kuliyadaha qaar.

3. Waxa kale oo ay culeey ku tahay waalidiinta oo kharajka Jaamacaddu waa ka badan yahay kan Dugsiga sare.

4.Jaamacadaha oo aan Raali ka aheyn in Sanad la yiraa Sanadkii Eber ay ku daraan, Jaamacdaha oo aynan u heyn Macalimiin uu leh Takhasuska Sannadka Eber.

5.Wasaaradda oo aan Go’aankaa ka fuli karin Dalka oo dhan.

6. Jaamacadaha oo loo sheegay in Jaamacadii Fulin weeydo Sannadkaa Eberka aan Wasaaraddu tasdiiqi doonin, Aqoonsanna doonin Shahaadooyinkeeda.

7. Jaamacadaha oo Go’aankaa ah (Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin) lagu khasbayo si ay Ardayda ugu sii khasbaan, waalidkana Culeeys uga yimaado iyada oo aan lagu saleeyn Aqoon iyo Caqli galnimo. Lagana weeciyay halkii uu ku haboonaa ee Dugsiyada Sare.

Kadib markii aan Jaamacddobadan la xiriiray

Waan u arkaa: Annaa iri, Aqoon iyo Maslaxo wax barashana kuma jirto ee waxaan fiirinaa in Amarkeeygu fulayo iyo in kale.

FG: Wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir