3 mins read

Dhunkashadii galaafatay shaqada guddoomiyahan ee carada dhalisay.

Madaxda maamul goboleedyada xiriirka kubada cagta Spain ayaa ugu baaqay madaxweynahooda Luis Rubiales inuu si deg deg ah isku casilo kadib markii uu dibnaha ka dhunkaday ciyaaryahan Jenni Hermoso.

Rubiales, oo 46 jir ah, ayaa si weyn loo dhaleeceeyay ka dib dhacdadii markii ay Spain ku guuleysteen finalkii Koobka Adduunka ee Haweenka.

Hermoso, oo 33 jir ah, ayaa sheegtay in dhunkashadii bushimaheeda aysan ahayn mid raali ay ka ahayd.

Mar sii horreysay, dacwad oogayaasha Spain ayaa furay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan in dhacdadu ay la mid tahay dembi xadgudub galmo ah.

Isniintii, Rubiales hooyadiis Angel Bejar ayaa isku soo xirtay kaniisad ku taal Spain, waxayna ka soontay cuntadii iyadoo ka cabanaysa sida wiilkeeda loola dhaqmay.

Fiidnimadii, boqollaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha Madrid kuwaas oo dhigayay mudaaharaadyo ay ku baaqeen kooxaha dumarka ah ee taageerayay Hermoso kana soo horjeeda Rubiales.

Rubiales ayaa Sabtidii laga joojiyay xiriirka kubbadda cagta adduunka ee Fifa, maalin ka dib markii uu ku adkeystay inuusan iscasili doonin, wuxuuna ku adkeystay in dhunkashada ay tahay “is-afgarad oo aysan mid xad-gudub ah”.

Sidee xaalku ku soo gaaray heerkan?

20 Agoosto – Intii lagu guda jiray xafladii ka dambeysay finalkii Koobka Adduunka, weeraryahanka reer Spain Jenni Hermoso ayaa markii hore isku duubay ka dibna bushimaha ka dhunkaday Luis Rubiales.

Hermoso ayaa markii dambe ka falcelisay dhunkashada xilli ay si toos ah u socotay waxayna tiri “kama aanan helin”

21 Agoosto – Rubiales ayaa raaligelin ka bixiyay isagoo sheegay inuu “ka xun yahay dhacdada” ka dib markii ay si kulul u dhaleeceeyeen ciyaartoyda kale ee kubbadda cagta, warbaahinta iyo xitaa ra’iisul wasaaraha Spain, kuwaasoo qaarkood ugu baaqay inuu xilka ka dago.

24 Agoosto – Xiriirka kubbadda cagta adduunka ee Fifa ayaa furay dacwad edbin ah si ay u baaraan falka uu ku kacay Rubiales.

25 Agoosto – Rubiales ayaa ku adkeystay inuusan is casili doonin, wuxuuna dhunkashada ku tilmaamay inay tahay “is-afgarad”.

25 Agoosto – Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay bilaabeyso dacwado sharci ah oo ay ku dooneyso in ay ku hakiso shaqada Rubiales.

25 Agoosto – Maalintaas ka dib, Hermoso waxa ay soo saartay bayaan lagu daabacy barta Instagram-ka oo ay ku diidayso sheegashada Rubiales taas oo tibaaxday in dhunkashada ay marnaba raalli ka ahayn”.

25 Agoosto – 81 ciyaaryahan oo reer Spain ah – oo ay ku jiraan dhammaan 23-kii ciyaaryahan ee ka qeyb galay Koobka Adduunka Haweenka – ayaa ku dhawaaqay in aysan u ciyaari doonin kooxda haweenka Spain ilaa Rubiales laga qaado jagadiisa.

26 Agoosto – Xiriirka kubbadda cagta Spain ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan “been kasta oo la faafiyo”.

26 Agoosto – Fifa waxa ay ku dhawaaqday in ay si ku meel gaar ah u hakinayso shaqada Rubiales inta ay ka soo baxayso dacwadda anshaxeed ee ka dhanka ah.

26 Agoosto – Tababaraha ku guuleystay Koobka Adduunka Jorge Vilda ayaa dhaleeceeyay Rubiales, halka dhammaan shaqaalahiisa tababarka ay is casileen iyagoo ka mudaaharaadaya tallaabada madaxweynaha xiriirka.

27 Agoosto – Ergada Federaalka ee hab-maamuuska xadgudubka galmada ayaa xaqiijiyay in baaritaan gudaha ah oo ku saabsan dhacdadaas uu socdo.

28 Agoosto – Rubiales hooyadii ayaa cuntada ka soontay ka dib markii ay gashay kaniisad ku taal magaaladii uu ku dhashay ee Motril.

28 Agoosto – Dacwad oogayaasha Spain ayaa furay baaritaan horudhac ah si ay u eegaan haddii dhacdadu ay la mid tahay dembi xadgudub galmo.

Xigasho:BBCSomali