1 min read

Maraykanka oo13 Al-Shabaab ah ku dilay duqeyn xagga cirka oo ku qaaday Koonfurta Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan ururka Alshabaab.

Duqeynta oo aroornimadii sabtidii ka dhacday meel qiyaastii 45km woqooyi galbeed uga beegan magaala madaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, ayay maraykanku ku sheegeen inay ahayd is difaac.

Taliska maraykanka ee qaaradda Africa ayaa sheegaya in baaritaankooda horudhaca ah uu muujinayo in aanay jirin waxyeelo dad rayid ah gaartay.

Maraykanka ayaa Dawladda Soomaaliya ka caawiya duqeymaha xagga cirka ah ee lagu majaxaabinayo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta.