1 min read

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya oo gargaar u direysaa dadka kusoo barakacay colaada Laascanood.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa Gargaar iskugu jira Raashin iyo Daawooyin u dirtay dadka ku barakacay colaadaha Laascaanood.

Shixnada macaawinada ah ayaa isugu jirta daawooyin iyo qeybaha kala duwan ee raashiinka kuwaas oo markab lagu rarayo iyo daawooyinka oo iyagana diyaaradu lagu daabuli doono si dadkaas u gaarto.

Gargaarkan waxaa horay Soomaaliya ugu deeqay Shiinaha iyo Turkiga.

Deeq Suleebaan oo ah la taliye sare ee arrimaha binaadanimo iyo xuquuqda aadanaha ee hay’ada maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliya oo ka hadlay gargaarkan ayaa yiri ”maanta waxaan ugurmaneynaa gobolka Sool, raashin baan halkan dabuleynaa, bakhaaradan oo kuyaalla kasoo horjeedka dekadda. Hay’ada waxay daabuleysaa raashin gaaraya 500 oo tan oo ka kooban bariis, qamadi iyo bur. halkan ayaa maanta laga dabuleyaa inshaaAllah”.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maanta degan.