1 min read

Madaxweyne Shariif oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii Coosweyne

Madaxweynihii hore Dawladii  kmg  ahayd ee  Soomaaliya shariif sheikh ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay Alshabaab ay ka geysteen Saldhig ay ciidanka Dawlada Federaalka ku leeyihiin degaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Mudane sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa  ku baaqay un baaritaan madaxa banaan lagu sameeyo  weerar kii Alshabaab ay ku qaaday degaanka Coosweyne

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Face book ayaa Madaxweyne hore sheekh shariif  ayaa u qorsnaa sidaan:

Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas.

Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud.