1 min read

shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb waxa maalintii labaad ka socda Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qayb galayaan madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo markii sedexaad aan xaadirin shirrarka golaha.

Siciid Dani ayaa shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka uga maqan khilaaf kala dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka.

Dhawr jeer oo hore oo la isku dayay in xal loo helo muranka labada dhinac ayaa guuldarro ku soo dhammaaday, waxayna labada dhinac warbaahinta isu marinayeen hadallo uu midba midka kale ku dhaliilayo in uu masuul ka yahay khilaafka taagan.

Shirka ka furmay Dhuusamareeb oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka qayb galayaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xasilinta deegaannada laga saaray Alshabaab iyo adeeg gaarsiintooda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa hadda lama garanayo in  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni uu ka qayb geli doono shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka, in kastoo wakiillada beesha caalamka ay dhawr jeer ugu baaqeen in uu ka qayb galo kulamada, halkaasna uu aragtidiisa ku soo bandhigo.