1 min read

Dowladda Hindiya oo ku guuleysatay in ay ku degto dayaxa dushiisa.

Hindiya ayaa ku guulaysatay inay dayax-gacmeed ku dejiso dayaxa, iyadoo noqotay waddankii afraad ee sidaas sameeya.

Wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka waxa ka mid ahaa farsamada dayaxgacmeedka Chandrayaan-3 oo xawaarihiisa hoos u dhigay xilli uu boqol mitir oo kaliya u jiray oogada dayaxa, ka dibna si tartiib ah u caga dhigtay.

Dhamaan hawlgalka si toos ah ayaa loo daawanayey xilli ay jeexjeexyo iyo dhagaxaan ka dhigeen mid adag in dayaxgacmedku ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa.

Tan ayaa imaaneysa maalmo uun kadib markii howlgalkii Ruushka ee kan la midka ahaa uu ku dhamaaday masiibo.

Chandrayaan-3 ayaa dhawaan diri doona gaari aan wade lahayn si uu u raadiyo barafka biyaha, kaas oo sahli kara in dayaxa dushiisa laga sameeyo saldhigyo joogta ah.