1 min read

Shirka xisbiga Kulmiye ee Burco ka socda iyo waxa laga filayo.

Maanta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Wararka laga helayo shirka Kulmiye ayaa sheegaya in la filayo in kulanka musharrax madaxweyne loogu dooran doono madaxweyneha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka madaxwyne ku xigeenna loo dooran doono Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo iminka ah wasiirka ganacsiga.

Guddoomiyaha xisbiga ayaa loo wadaa Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Shirkan xisbiga oo ah kii sideeddaad ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf la xiriira doorashooyinka Somaliland, oo xukuumadda iyo mucaaradku ku kala aragti duwanyihiin.