1 min read

Bulshada Degmada Cabudwaaq oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo Galmudug

Muqdiso :-Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka khawaarijta looga xoraynayo guud ahaan d

alka si gaar ah deegaanada Galmudug.

Bulshada soomaaliyeed oo fahamay dhagaraha ay khawaarijtu uga been sheegi jirtay ayaa hadda go’aansaday in qeyb weyn ay ka qataan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta kaa oo ka socdo degaanno katirsan  Galmudug iyo Hirshabeelle.

Masuliyiintii la hadashay mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay  bulshada degmada cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay  jabinta khawaarijta.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo looga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.