1 min read

Duufaan, roobab, daadad iyo dhulgariir ku wada dhuftay qaybo ka mid ah Maraykanka.

Xarunta Duufaanada Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegtay in duufaanta lagu magacabo Hilary ay hadda u dhaqaaqday dhanka koonfurta gobolka Maraykanka e California.

Xarunta NHC ayaa sheegtay in dabaylaha duufaantu ay ku socdaan xawaare gaaraya 50 mayl saacaddiiba (85km/h), waxaa laga digayaa “musiibo iyo halis nafeed” oo ay keenaam daadad ay u badan tahay in ay ka dhacaan qaybo ka mid ah koonfurta-galbeed ee Maraykanka iyo Mexico.

“hoos udhaca dabaylaha ayaa la filayaa inay sii socoto, duufaanta Hilaryna waxaa la saadaalinayaa inay noqoto dabaylo goos goos ah dib kulaylka habeenkii,” NHC ayaa ku dartay.

Waxaa qaybo ka mid ah gobolka California ee Maraykanka ku dhuftay roobab duufaan wata oo jaray qaar badan oo ka mid ah jidadka waaweyn.

Wax yar uun ka hor inta aysan duufaantu ku dhufan gobolka California ee dalka Maraykanka, dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 5.1 ayaa ka dhacay waqooyiga-galbeed ee magaalada Los Angeles, waxaa sidan sheegay Sahanka Jiyoolajiga ee Mareykanka.

Gariirka ayaa laga dareemay magaalada Los Angeles, sida uu sheegay wariye BBC ka tirsan.

Ilaa hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.

Nidaamka Digniinta Tsunami ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan mowjadda dhulgariirka.