1 min read

Haweeney sumeyn rabtay Donald Trump oo dhowr iyo labaatan sano la xiray.

Haweeney u dhalatay dalka Canada balse ku nool Mareykanka, ayaa waxaa la xukumay 22 sano oo xabsi ah kaddib markii warqado ku xardhan sun ay u dirtay dad uu kamid yahay Donald Trump xiligii uu hayay xilka madaxtinimo ee waddanka Mareykanka.

Pascale Ferrier, oo 56 sano jir ah, ayaa xukunka ogolaatay bishii February kadib markii ay ogolaatay eedo loo soo jeediyay.

Baqshadda oo suntana ku jirtay ayaa gacanta lagu soo dhigay bishii Septembar eee sanadkii 2020-kii, kahor intaan loo sii gudbin aqalka cad.

Ferrier ayaa maxkamadda u sheegtay inay ka qoomameyneyso in qorshaheeda uusan guuleysan.

FBI-da Mareykanka ayaa faraheeda ka helay baqshaddda loo siday Trump.