1 min read

Banaanbax lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka dhacay Cadaado.

Muqdisho :-Banaan-baxaan oo ahaa mid lagu taageerayay dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud.

Boqolaal dibad baxayaal ah ayaa socod ku soo maray bartamaha magaalda ku waas oo shacuurtooda ku muujinaya sida ay u doonayaan ciribtirka kooxda khawaariijda.

Qaar ka mida dibad baxayaasha ayaa la hadlay warbaahinta qaranka waxey sheegeen iney garab taganyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ee macawuleyda ee u diyaarsan ciribtiska Khawaarijta.

Masuuliyiinta maamulka magaalada Cadaado ayaa dibad baxayaasha kula hadlay goob wafaage ah oo ay uga soo qayb

galeen banaan baxa waxeyna dhankooda sheegeen iney shacabka reer Cadaado ku hoggaamin doonaan la dagaalanka Khawaarijta.

Galmudug waxaa gabangabo maraya diyaar garowga ay ciidamada dowlada’ kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ee macawuusleyda ay ku xoreyn lahayeen deegaannadda ay ku dhuumaleysanayaan Khawaarijta.