1 min read

Messi: “Waxay farxaddaydu soo laabatay markii aan ku biiray kooxda Inter Miami”

Lionel Messi ayaa sheegay in farxadiisa ay soo laabatay tan iyo markii uu tagay Inter Miami.

Messi ayaa sidaas ku sheegay mar uu la hadlayay saxaafadda, isagoo sheegay in ku soo laabashadiisa Mareykanka ay ka duwan tahay markii uu tagay Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska oo uu kaga soo biiray Barcelona.

Waxa uu dhaliyay sagaal gool lix kulan oo uu ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray Inter Miami,kadib markii uu labo sano ku qaatay kooxda PSG ee France.

“Sida aan sheegay waqtigaas, safarkeygi France ma ahayn wax aan doonayay, sababtoo ah maan doonayn inaan ka tago Barcelona” ayuu yiri Messi.

Wuxuu sheegay inuu ku raaxaysanayo ku noolaanshaha koonfurta Florida hadda.

“Waxaa igu adkeyd inaan la qabsado meel ka duwan halkii aan ku soo qaatay nolosheyda oo dhan, gaar ahaan deegaanka magaalada iyo qeybta isboortiga, runtii aad ayey iigu adkeyd, laakiin hadda waxaan sidaydii hore oo kale ku arkay Ameerika” ayuu yiri.

Ku guulaystaha 7 jeer ee Ballon d’Or Messi ayaa fursad u haysta in uu koobkiisii ​​ugu horeeyay ku qaado Miami isaga oo sabtida finalka League Cup la ciyaari doona Nashville.