2 mins read

Culimaau’diinka Soomaaliyeed oo meel adag ka istaagay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muqdisho :- Culimada Soomaaliyeed ayaa  si adag uga hadalay dagaalka ka dhanka Khawaarijta waxaan ay sheegeen in loo baahan yahay in loo midoobo oo la garab istaago dagaalka u ku dhawaaqay madaxweynaha ee looga xoreynayo dalka Argagixisada.

Barnaamij gaar ah oo ka baxay warbaahnta dowladda oo ay ka qayb galeen  Culima udiinka ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay bayaaniyaan oo ay caddeyaan culimada xaqa iyagoo gudbinayay fariin ku adaneyada dagaalka loou diyaar garoobayo in looga xoreyo qaybaha ay haraadiga ku yihiin Khawaarijta.“Khawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeena, waa waajib diini ah in lala dagaalamo” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Dhankiisa Sheekh Soomow oo ka mid ahaa culimadii ka qayb gashay ayaa yiri,”Khwaarijtu Dadkeena waxay u laayeen si aan kala sooc lahayn, Maanta waa in Shacabka Soomaaliyeed Madaxda Qaranka ku garab istaagaan iska Xoreynta khawaarijta,waxaan haysaan Hoggaamiye daacad ah ee u istaagay waana in aan garabkiis noqona,waana in culimada Soomaaliyeed ay xaqa caddayso waana waajib saaran”.

Sidoo kale Sheikh Cali Wajiis ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Waajib ku ah inay Ajiibaan Jihaadka uu ku dhawaaqay naguna hoggaaminaayo Madaxweynaha Qaranka,waxay cadow ku yihiin dadka iyo diinta oo ay gaaleysiiyeen,waxay khatar galiyeen Amnigoodii iyo nabad galyada,waxay baneysteen dadka xoolohooda iyo dhiiggooda,waa in la daldala oo jidka la dhigo dadka Nuucaas ah ee Khawaarijta ah,Ummada waxaa waajib ku ah hadii xaakimka dalka ugu sareeya u ku dhawaaqo in lagu jihaado cadawga ilaahay iyo kan Ummada waxaa waajib ah in aad ajiibto”.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay garab taaganyihiin culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqaynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jir kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan ku qaldaysa dadka caamada ah.