1 min read

Wasiirka Cadaaladda: “Waxaan Galmudug u joognaa in aan xididada u siibno Al-shabaab..”

Ilaa iyo Shantii bishan waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud.

Joogitaanka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah abaabul dagaal oo dowladdu dooneyso inay ku xoreeyso deegaannada ay Al-Shabab weli kaga suganyihiin eeGalmudug kahor inta aanu si rasmi ah u bilaaban wajiga labaad ee dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabab.

Waxaa kaloo Dhuusamareeb u tagay abaabulka dagaalkan xildhibaano wasiiro, iyo saraakiil.