2 mins read

Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka ee Afrika oo howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ku dilay 5 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhuusomareeb :- Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa subaxnimadii Talaadada waxa ay howlgal ay ka fuliyeen deegaan 35 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud oo hoostaga Maamulka Galmudug waxa ay ku dileen 5 ka tirsan Al-Shabaab.


Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cadaala oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada isku dhafka ah ay burburiyeen Saldhigyadii ay ku sugnaayeen Argagixisada.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada XDS, kuwa gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka looga cirib tiro argagixisada.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor ay dowladdu qorsheyneyso in la bilaabo wejiga labaad ee dagaalka guud ee ka dhanka ah dagaalyahannada kooxda ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed iyo Koonfurta dalka.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay fashiliyeen weerar qaraxyo ah oo lagu qaaday saldhigga Dab-iyo Dhagax oo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada wadajirka ah ayaa ku guuleystay in ay burburiyaan walxaha qarxa oo ay ka soo furteen maleeshiyaadkii howlgalka ku guda jiray sida ay sheegeen saraakiisha.

Taliyaha ciidamada XDS ee gobolka Hiiraan Faarax Cali Wasage ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Bardhabaq oo ku dhow degmada Halgan ee gobolkaasi, kadib dagaal shalay halkaasi ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka Macawisley.

Ciidamada deegaanka ayuu kula dar daarmay inay soo dedejiyaan kacdoonka ka dhanka ah argagixisada, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dib u soo celin doonaan.

Isbeddelladan ciidan ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada XDS ay ku sii siqayaan gacan ku heynta Ceel-buur iyo Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galguduud ee hoos taga maamulka Galmudug.

“Waxaa laga yaabaa inay jiraan deegaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug oo ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta balse dadka deegaanka waxay diyaar u yihiin inay meesha ka saaraan oo ay guryahooda xoreeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gobolka ay ku wajahan yihiin labada degmo ee Ceel-buur iyo Galhareeri ee gobolka Galguduud oo ay weli gacanta ku hayaan Al-shabaab.