1 min read

Faah faahin ka soo baxaysa duqaymo lagu dilay maleeshiyAd Al-Shabaab ah..

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose, kadib markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Khawaarij ah ay si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayaan beero ku yaalla deegaanadaas.

 

18 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgalkaan sida saraakiil ka tirsan ciidanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.

Goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Khawaarijta.