2 mins read

Adeegyada uu bixiuo Bankiga dhexe oo lagu wado.in la gaarsiiyo dalka oo idil.

Muqdisho :- Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali ayaa ka warbixiyay furitaanka laanta Bankiga Dhexe uu ka furay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug,isagoo sheegay in go’aanaka ay qateen kadib markii madaxweynaha JFS uu amray in adeega Bankiga uu bixiyo la gaarsiiyo dhammaan gobolada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka wax uu sheegay in qorshaha furitanka xaruntaan ay tahay heshiis xukuumadda ay la galeen sanadkii hore dhamad kiisa kaa oo dhigay in shan xarumood (5) laga furo dhamman gobolada dalka si adeega loogu dhaweeyo shacabka,sidoo kalena shaqa abuur ay ka heli doonaan bulshada degaanada ku dhaqan si looga qeyb qaato shaqa abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxa u sheegay xarumahasi ay sameyn doonaa  Cilmi baarisyo oo lagala socon doono dhaqaalaha dalka iyo markii lacagta Shilinka Soomaliga la soo daabaco ay bulshadu ka heli karaan adegyada ay u baahanyihin, in laga hago siyaasada guud ee dhaqaalaha dalka,isgoo sheegay in xarunta xigata ee Bankiga ay ka furi doonaan degaannada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya xarun weyn ay ka furi doonaan

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali waxa uu tilmaamay saddaxda sanno ay qabsadeen ay ku hirgalin doonaan shanta maamul goboleed xarumo uu Bankiga dhexe halkaa ku yeelan doono

Mar laga weydiiyaty su’aal ahayd adegyada ay bixiyaan Bangiyada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in madamaa dalka uu ku biiray Suuqa GANACSIGA dowladu aysan yeelan karin Bangi ganacsi, Bankiga dhexena uu la socodo dhaq-dhaqaaqa Bankiyada ganacsi ee dalka ka howlgalo wada shaqeyn fiicana ay kawada dhaxeyso Bankiga dhexe ee dalka,waxa sheegay sidoo kale in xarumaha gobolada u Bankiga ka hirgalinayo shaqaalaha ka shaqeynayo oo kooban tar-tan loo gali doono, balsa dadka degaanka kaliya ay u tar tami doonaan.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa wada howllo lagu ballaarinayo adeegyada uu shacabka u hayo iyadoo degaanada dhiman la hirgalin doono xarumo xusub oo uu Bankiga ku yeelan doono dhamaan gobolada dalka,si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada ay u baahanyihiin