3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-369= Somalida ayaa ku maahmaahdo: Lo’ iyo Naagaba Heetigood uma turaan. Sax miyaa?=

1. Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Raacay wafdi Mareykanka loo diray. Markii uu Gaalkacyo ku soo noqday ayaa lagu yiri: wixii aad Ameerika ku soo aragtay maxaa kuula yaab badnaa? Waxa uu yiri: Cunug yar oo 3 Sano jir ah oo ingriis ku hadlayo. ( F.S:1aad).

Waxa uu arki jiray Dad waaweyn oo Habeenkii Isgool Seerale ah Af ingriis ku barto.

( Qofku waxa uu cabir ka qaataa wixii uu Arki /maqali jiray )

2. Haddii aad rabto in aad ogaato Ceebtaada waxaad u sheegtaa Xaaskaaga Hal Ceeb oo kaliya oo ay xaaskaagu leedahay. Wey xanaaqee, kadibna waxa ay kuu sheegee Ceebtaada oo dhan, Ceebta Waalidkaa, tan Saaxiibadaa, tan Deriska, tan qabiilkaaga iyo Ceebta Wadamada Deriska ah. ( F.S:2aad)

( Ar ma joogtidoo!!!. Xaaskaaga Adiga oo amaani karo, maxaa kuu geeyay in aad ceebteeda sheeg sheegto, mise waxaad rabtaa in laguu sheego Ceebtaada ilaa tan wadamada Deriska )

3. Farax dhuuni oo Sakaraad ah Naftuna qaarka dambe ka baxday, ayaa waxaa u soo carfay, Cunto Xaaskiisu ay ku karineysay Kushiinka. Wiilkiisii oo la joogay ayuu ku yiri: Bax Hooyo iiga soo qaad, Cunta yar aan ka dhigto Jeenankii, wax aan cuno ee iigu dambeeyay. Wiilkii oo fara maran ayaa u soo noqday, kuna yiri: Aabe, Hooye waxa ay tiri: Cuntadaan waxaa loogu tala galay Tacsidiisa.

( Somalida ayaa ku maahmaahdo: Lo’ iyo Naagaba Heetigood uma turaan. Sax miyaa

4. Nin ayaa yiri: Aniga oo la igu heeysto, Kiradii Guriga oo aan iska bixi waayay, ayaan arkay Saaxiibkeey oo weli lagu heeysto qeyb ka mid ah Deyntii uu ku aroosay, Xaaskiisii uu furay 6 Bilood ka hor. (F.S: 3aad)

( Dadka kaa koreeyo oo kaliya ha fiirin. Haaddii ay Xaaladdu kugu xuntahay ogow kuwo kaa sii daran ayaa joogo)

5. Nin masaafur ahaa ayaa u yimid Naag Tuulada banaankeeda Ceel ku yaal kaligeed Biyo ka shubanee, Ceelkii ayuu u shubay. Waxa uu ku yiri: waxaan rabaa in aan ogaado Sirta iyo Dagarta Haweenka.

Naagtii weey qeeylisay iyada oo Ooynee. Waxa uu ku yiri: Maxaa dhacay? Waxa ay ku tiri: Dadkaa Tuulada ee soo ordayo ma u jeedaa, waxaan rabaa in aan ku iraa: Ninkaani waxa uu isku dayay in uu i kufsado, weeyna ku dilayaan. Waxa uu ku yiri: waa maxaay Jisaarnimadaan, ixsaan ayaan kuu sameeyay oo Biyo ayaan kuu shubaye.
Markii Dadkii Tuuladu ay soo dhawaadeen ayeey Biyihii isku shubtay oo jirkeeda oo dhan ay qooysay. Dadkii ayeeyna ku tiri: Ceelka ayaan ku dhacay, Ninkaan Masaafurka ah yaana iga soo Badbaadiyay, la’aantii waan dhiman lahaa.
Dadkii ayaa Ninkii u mahadceliyay oo soo dhaweeyay. Naagtii ayuu ku yiri: Arintaan maxaad ka wadaa? Waxa ay ku tiri: Soow Sirta Haweenka ima weeydiin. Haweenka haddii aad Xumaan ku sameeyso weey ku dili karaan, Haddii aad wanaag u sameeysana weey ku sharfi karaan. ( F.S: 4aad)

( is ka jirhee, Sirta Haweenka… wanaaga aad sameeynee mar kasta wanaag ma keeno, waxaa jiro Dad Jisaar ah oo ” Xattaa Haddii aad Labadaada indhood siiso, dhahayo waxa uu i siiyay indho aan Sunniyo leheeyn” Dadka qaar, waa Abaal laawe. Ma taqaan Siyaasi Abaal laawe ah?)

6. Aaween Dadkii Reer Qansax dheere ee Baakaaraha Masagadu uga buuxi jirtay? Waxa ay saf ugu jiraan Ganleey Guduud Bakhaar ku Daahday.
Aween Dadkii Cad iyo Caanaha Cuni jiray, waxaad arkee, Reer Mudug Kaluun Saf ugu jiro.
Waxaa ka daran Reer Hargesa oo Saf dheer ugu jiro Digaag Laga keenay Brazil. ( F.S: 5aad)

(Nin waliba waxa uu dhulkiisa ka soo saara karo in uu quutaa u dhaanto, intuu Sun Dibadda laga keenay Saf u gali lahaa)

Qore: Yahya Amir