1 min read

Saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS oo la siiyay shahaadooyin howl-karnimo ah.

Maamulka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyay saraakiil sare oo kaalin weyn ka soo qaatay guulaha howlgallada ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

18 ka mid ah saraakiisha sarsare ee ka shaqeeya Hawlgalka Ku meel gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),ayaa haatan baneynaya xilkooda,kadib mariii ay dhameysteen socdaalkooda shaqo oo qaatay muddo hal sano ah.

12 ka mid ah saraakiishaan ayaa kasoo jeeda Kenya. Lixda sarkaal ee kale waxay ka kala yimaadeen Benin, Nigeria, Uganda, iyo Zimbabwe,iyagoo la tilmaamay in shahaadooyinkaasi ay ku ku muteysteen adeeggooda muhiimka ah ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Maj. Gen. Ngendabanka oo wakiil ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding ayaa uga mahadceliyey saraakiisha sida gaarka ah ay uga qeyb qaateen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Waxaan fursaddaan uga faa’ideysanayaa inaan idiinku hambalyeeyo dadaalka aad u gasheen soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Maj. Gen. Marius Ngendabanka, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee u qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha.

Munaasabaddaan oo lagu qabtay Xarunta ATMIS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS, Saadka iyo Taakuleynta Maj. Gen. Peter Kimani Muteti.