1 min read

Mid ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamda Dowladda.

Muqdisho :-Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisu afagarashadu yahay Mascuud ayaa goordhow isku soo dhiibay guutada Khaalid binu waliid ee Ciidanka xoogga dalka.

Maxamed waxaa uu ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deeganada miyiga ah ee gobolada Galgaduud.

Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka, ka dib markii uu soo food saaray culeys iyo guluf lagu cirib tirayo argagixisada.