1 min read

Al-Shabaab oo xayiraado ku soo rogtay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Ururka al-Shabaab ayaa xayiraado kusoo rogay shirkadda isgaarsiinta u weyn Soomaaliya ee Hormuud xarumo ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xayiraadahan ayaa la sheegay inay saameeyeen xarumaha shirkadda ee degaanno ku yaalla Jubaland, Koonfur Galbeed iyo meelo ka mid ah Galmudug.

Ilaha xog-ogaalka ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo amni darteed ayaa u sheegay VOA in xayiraadda al-Shabaab ay la xiriirto macaamilka ay shirkaddu u qabato laamaha dawladda Soomaaliya oo ay al-Shabaab kasoo horjeesteen.

Shirkadda Hormuud ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid tahay shirkado ganacsi oo diiday bixinta ay al-Shabaab ku mgacaabeen “taakulo,” sida il-wareed xog-ogaal ah u sheegtay VOA.

Al-Shabaab ayaa horey xayiraado ugu soo rogay dhaq-dhaaqaaqa shaqaalaha iyo gaadiidka shidaalka ee shirkadda.

Dawladda Soomaaliya, shirkadda Hormuud iyo ururka al-Shabaab midkoodna weli rasmi ahaan ugama hadlin xayiraaddan, oo la sheegay inay soo taagnayd muddo ku dhow 4 bilood.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku jirto qaban-qaabada guluf milatari oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.