1 min read

Xiriirka cayaaraha fudud ee adduunka oo go’aan ka gaaray shaqa joojintii marwo Kahdiija.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee dunida ee loo soo gaabiyo IAAF ayaa aqbalay xil ka qaadisti lagu sameeyay guddoomiyaha xrirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

Xirriirka ayaa bartooda ay ku keydiyaan magacyada guddoomiyeyaasha waddamada kala duwan ka saaray magaca Khaddijo, waxayna ku bedeleen guddoomiye ku xigeenka xirriika, Faarax Cali Macallin, kaas oo xilkan sii hayn doona.

Shaqa ka joojinta guddoomiyaha aya waxay daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo dhawaan ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan