4 mins read

Gudoomiyaha Ceelbuur “Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay howlgalka dib u xorreynayo Ceelbuur” (WARBIXIN)

Muddo 15 sano ayay Argagixisadu gumeyn, silac, dulleyn iyo sumcad dil ku hayeen Ummaddeenna, dhulkeena iyo diinteenaba.  ,marka in lala dagaalamo waa muqadas waa sida aan qabo, waxayna ila tahay in taasi lagu kala qeybsaneyn,  waana waajib diini ah, mid waddani ah iyo mid damiir dadnimo ah in lagu garab istaago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, gacanna ku siiso ciddii uu waajibkaa Qaran ugu yeerto.

Argagixisadu waa qandhada ugu daran ee maanta Qarankeena heysa, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynahu Xasan Sheekh tan iyo maalinkii uu xukunka yimid wuxuu muujiyay ka go’anaan, dhiirranaan iyo daacadnimo ku aadan la dirirka Argagxisada ilaa uu naftiisa iyo hoggaamintiisaba geeyay goobihii dagaalka uu ka furnaa, iyadoo weliba dagaalka wuxuu gelayaa Argagixisada oo nasatay, naaxdeyna shantii sano ee ugu dambeysay iyo iyadoo uu taageero caalami ah u haysanin dagaalka, sababtoo ah loolanka quwadaha waaweyn ee dunida ayaa hoos u riday xamaasaddii, xiisihii iyo xooggii lagula dirirayay Argagixisada.

Xusuusnoow guusha dagaalka waxay ku xiran,  sida la sheegay hadba sida looga soo dhalaalo sababaha guusha keena oo ah; caqiidada dagaal ee ciidanka, kartida hoggaan ee saraakiisha, heerka kala dambeynta iyo isku talinta ciidanka, tayada sirdoon, isku dubbaridka saadka iyo isgaarsiinta, aqoonta dabeecadda dadka iyo deegaanka iyo dejinta khiddada iyo xeeladaha dagaalka.

Haddaba waxaa socda ababulkii ugu dambeeyay ee dagaalka Aagagga badan ee ku aadan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran sidaasi awgeed ayuu Kornel Nuur Xasan Guutaale Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ka maamul ahaan ay si weyn  ugu diyaar garoobeen xoraynta Degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha kooban ee wali Khawaarijtu kaga harsan tahay Gobolka Galgaduud, isagoo intaasi ku daray  in shirar badan laga yeeshay xoraynta Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, kuwaasi oo lagu qeybsaday waajibaadka dhinac walba ah oo bulshada ka mid ah kaga aadan xoreynta deegaannada ku xeeran Degmooyinkaasi.

“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay in aan qeyb weyn ka qaadano hawlgalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta” ayuu yiri Kornel Nuur, wuxuuna Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay dib u xoreynta dalka, islamarkaana xafiiskiisa shaqada ugu soo wareejiyey magaalada Dhuusamareeb, si uu kaalinta hoggaaminta dagaalka u qaato, taas oo uu sheegay inay tahay mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku weyn.

Dhaqdhaaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda deegaannada Galmudug,  kaasi oo lagu ciribtirayo kooxda xagjirka ah ee Khawaarijta meelaha yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamul-goboleedka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka  lagaga xoreynayo khawaarijta Al-shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug, wuxuuna tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee heysata Maamulka Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageeridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan Argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Maamul-goboleedka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay heshay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in Howlgal Qorshaysan ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga Aroortii hore ee saaka ka fuliyeen xaruun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, iyadoo howlgalka lagu beegsaday Garaash weyn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaarinayaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranku waxa ay halkaasi ku burburiyeen afar Gaari oo ay Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay u waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana goobtaasina ku halaagsamay Maleeshiyaad ka mid ahaa kuwa sida gaarka ah ugu tababaraa sameynta Qaraxyada.  Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray Khawaarijta, iyadoo arrintani ay qeyb ka tahay howlgallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhigyada Khawaarijta, Malleeshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan ama ka soo abaabulaan dhagarta Shacabka,  si loo cuuryaamiyo ama loo baabi’iyo awoodda Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.