1 min read

Sarkaal iibsaday Hub ay lahaayeen Ciidamada Dowladda oo Maxkamadda Ciidamada la hor keenay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo geba-gabeeysay dhageysiga  dacwad loo heysto Xidigle Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay in uu gatay laba Qoray oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar katirsan Ciidamada Booliska, isla markaana lacagta laga helay uu ku ciyaaray Aalada 1XBET.

Xidigle Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo ah eedeysanaha kana mid ah baarayaasha Hay’adda dambi barista ee CID-da ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku eedeysay in uu sidoo kale lacag ka cunay dad Shacab ah oo kunool Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Saraakiisha uu qoryaha ka iibsaday ayaa sharaxaya sida uu qoraga uga qaatay, kana mid ah qoryaha uu iibsaday ee uu ku dheelay Xidigle Boolis Maxamed Tahliil Cabdi Aalada 1XBET..

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka Maxamed Cadullaahi Khaliif oo sharaxayay kiiskaan ayaa dalbaday in eedeysanaha lagu xukumo xukun lamid ah dambiga uu galay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalaka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga maxkamadda soo xiray ayaa sheegay in adhigii Maanta uu intaasi ku egyahay, isla markaana Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.