3 mins read

Arsenal Oo ku Garaacday Man City Koobka Community Shield.

Arsenal ayaa si xarago leh ugu guuleysatay koobka daahfurka xilli ciyaareedka ee Community Shield ka dib markii ay rigoore ku garaaceen kooxda Man City, iyadoo 90kii daqiiqo la isku dhaafi waayay barbaro 1-1 ah.

Gunners oo waqtigii dhimashada ciyaarta barbareysay Man City ayaa rigoore 4-1 ah ku badisay iyadoo Kevin de Bruyne iyo Rodri ay rigoorooyinka ka qasaariyeen Citizens.

Man City ayaa gool ku hormartay daqiiqadii 77aad ka dib markii uu shabaqa u soo taabtay Palmer laakiin Gunners ayaa barbareysay waqtigii dhimashada ciyaarta markii uu shabaqa soo taabtay Trossard.

Waa markii seddexaad oo Manchester City lagu garaacay Commnity Sheild sannadkii hore ee 2022 waxaa ka badisay Liverpool halka sannadkii ka horeeyay ay ka qaaday Leicester City.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Manchester City ay kubada heysatay bilowgii ka hor inta aysan Arsenal la wareegin koontaroolka ciyaarta.

Gunners ayaa abuurtay fursadihii ugu fiicnaa qeybtii hore iyadoo goolhaye Ortega uu dhowr jeer fursado ka beeniyay Havertz.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay si la mid ah qeybtii hore iyadoo Man City ay kubada heysatay halka Arsenal ay si waali ah u raacanayeen. Daqiiqadii 52aad Aaron Ramsdale ayaa badbaadiyay kubad madax aheyd oo ka timid John Stones.

Daqiiqadii 77aad ayay ugu danbeyn Manchester City hogaanka u qabatay ciyaarta, saxiixa cusub ee Arsenal Tierney ayaa xal u waayay kubad dhex bixis aheyd iyadoo De Bruyne uu kubada u sii dhigay Palmer kaasoo si habsami leh u dabamariyay goolhaye Ramsdale oo aan fursad u helin inuu badbaadiyo.

Daqiiqadii 82aad Manchester City ayaa ku dhawaatay inay dhaliso goolkii labaad laakiin waxaa badbaadiyay goolhaye Ramsdale oo celiyay kubad ka timid Foden oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Labo daqiiqo ka dib Ramsdale ayaa badbaadin kale oo muhiim ah sameeyay isagoo badbaadiyay kubad ay isku dhiibayeen Rodri iyo De Bruyne oo halis aheyd.

Ciyaarta ayaa lagu daray sideed daqiiqo laakiin waxay ciyaarta socotay ilaa iyo 12 daqiiqo oo dheeri ah madaama Walker iyo Partey ay isku dhaceen una baahdeen daweyn.

Gunners oo aan quusanin ayaa goolka barbaraha heshay daqiiqadii 11aad ee waqtiga dheeriga ahaa markii darbo ka timid Trossard ay ku dhacday labo xiddig oo Man City ka hor inta aysan dabamarin goolhaye Ortega taasoo keentay in Gunners ay si waali ah u dabaaldegto halka kuwa Man City ay aamuseen.

Barbaraha waqtiga dhimashada ayaana la micno noqotay in lagu kala baxo rigoore sida uu yahay sharciga Community Shield.

Rigoorada Arsenal waxaa u dhaliyay kabtankooda Odegaard ka hor inta uusan De Bruyne birta ku dhufanin halka Trossard uu saxiixay rigooradii labaad ee Gunners, Silva ayaase markiisa u dhaliyay Man City oo 2-1 ka dhigay halka Bukayo Saka uu 3-1 ka dhigay.

Rodri ayaa isna ka qasaariyay rigoorada kooxda Man City halka Fabio Vieira uu dhaliyay rigooradii guusha ee Gunners iyadoo Gunners ay koobka ku qaaday 4-1.