1 min read

Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo muqdisho kusoo dhaweeyay la-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka.

Muqdisho :-Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano katirsan Labada Aqal BFS ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xamza Warfaa oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa u magacaabay in Xamza Warfaa uu u noqdo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka la taliyaha sare ee dhinaca Dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha

Qaar ka mid ah dhalinyarada Barbaarta Gaashaaman ayaa ku soo dhoweeyay mid ka mid ah cayaaraha dhaqanka ee laga cayaaro Gobalka Banaadir.