4 mins read

“Galmudug Maanta waa u Guul… Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)

Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug ayaa dhawaan lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhameystirka Wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada ay ka joogaan Galmudug.

“Halkaani waa Gobalka Galguduud, goobtu waa nawaaxiga Dhuusamreeb, Goortu waa Barqanimadii Maanta, Dadku waa Shacabka Deegaanka, ujeedka ay Hubka u sitaan waa in ay Khawaarijta ku harsan qeybo ka mid ah Gobalka iska suuliyaan, si ay u dhamaystiraan halganka Khawaarijdiidka ah ee ay soo wadeen ilaa sanadkii 2009-kii”, sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, mar uu ka hadlaayay Ciidamo kuwa Deegaanka ah ee lagu soo bandhigay Duleedka Magaaladaasi Ciidan Macaawisley ah iyo Hubkooda. “Neecaaw ku fidda Dalka oo dhan ayaa kasoo socota Galmudug insha allaah”, ayuu sii raaciyay Wasiir ku xigeenka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay dhameystirka Wejiga 1-aad ee dagaalka lagula jiro Maleeshyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa yiri:- “Guushu waa ay dhowdahay, mar dhowna waxaa laga dabaaldegi doonaa deegaanno khawaarijtu ay ukumaha dhigatay, xooggna ku heysatey 16kii sano ee u dambeeyay oo dib loo xoreeyay. Dagaalka lagu soo afjarayo Haraadiga Khawaarijta ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ka dhiman, waxaana hoggaaminaya taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud”.

“Dagaalkaan Khawaarijta lagula jiro nasasho ma lahan ka laabashana ma lahan. Guulo waaweyn ayaa soo socda insha Allah”, sidaasina waxaa yiri  Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Falanqeeye arrimaha Caalamka oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Qeybteeda Warbixinnada u waramayay ayaa ku sheegay Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab dhul fasahaadiyayaal loo baahan yahay in loo suuliyo sidii Naazigii Hitler, “Duulaanka Dowladda ee Degmada Ceelbuur, waa mid u eg kii D- Day ee Xeebaha Normandy ee Cariga Faransiiska ee dhacay Bishii Juun 6-deedii sanadkii 1944-kii ee Xooggagii Isbaheysiga iyo maalmihii Xiddigii NAZIGII Jarmalku dhacay”, sidaasi waxaa yiri:-  Macallin Salaad Guutaale.

Si Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab loo dardargaliyo ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay u gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.

Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya dib u xoreynta Deegaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hurayaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan gaarin Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayay dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo Argagixisada, waxa uuna xusay in Shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyay, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin bed-qabka nololeed iyo mid hantiyadeed muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin Argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey Shacabka in ay si dhow ula

shaqeeyaan ciidankooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Magalada Ceelbuur ayaa sheegaya in  Barakac aad u ballaaran ka bilowday magaaladaasi, iyadoo ay jirto in Ciidanka Dowladda uu Afar Jiho kaga soo ruqaansaday, halka Kooxda Khawaarijtuna ay Dadka ku qasbayaan inaysan ka bixi Karin Magaalada, iyadoo la sheegayo in Madaxweyne Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud uu u qabtay 10 Maalmood in lagu so Af jaro Dagaalka Wejiga 1-aad, si loogu gudbo Wejiga 2-aad.

Ugu dambeyntii waxa aan warbixintan ku soo afmeerayaa “ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een”, sidaasina waxaa Murti ku sheegay Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, ahna Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre-ka.

ByRuush Abdullahi