6 mins read

Waxaa la gaaray xilligii kala gurista isku milinkii (WARBIXIN)

Dowladdu waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geeddi socodka Dimuquraadiyadda, sidaasi awgeed ayaan si hufan u wadnaa Qoraallo iyo Warbixinno la xariira arrimahaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka Xumaan-wadayaasha ah ee doonaya in ay afkooda ugu adeega kooxaha Khawaarijta ee nabad-diid ka ah, wuxuuna Wasiirku hadaladaa ka jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga Dalka, isagoo xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa soo jeediyay in la beegsado kooxaha u adeegaya khawaarijta , isla markaana gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu caddeeyo in ay u shaqqeyaan khawaarijta. “Ninkii khawaarijta dhiirigaliya, maalgaliya, taageera, buunbuuniya waa la mid, dhawaanna waa la so afjaraya Argagixisada.  Qolaa dooneysa in ay damiyaan iftiinkaan yar ee umamadda  Soomaaliyeed u soo ifey, mana damin karaan idanka ilaahey”, ayuu yiri Wasiirka.

“ Ciidanka Xoogga iyo Shacabkooda ishooda wakhti xaadirkaan Khawaarij keliya ayay aragtaa, cidii Khawaarijta in laga takhaluso wel wel ku heyso toos ha u soo raacaan”, ayuu sii raaciyay Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo la dardaarmay ciidamada xoogga ee uu la hadlay ayaa xasuusiyay in ay leeyihiin hal cadow, loona baahan yahay in ay hal il ku arkaan kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada Soomaaliya , isla markaana laga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle, ” Maanta waa maalin aad u qiimo badan, waxaan isugu nimid inaan ka soo qeyb galno xaflad qalin-jabin guutada Danab qeybteedii 9-aad, tababarka ugu dhammaaday halkan Bali-doogle. Dugsiga magaciisa aadka u qiimo badan yahay oo loogu magac daray walaalkeen AUN Xasan Tuure, aad baan ugu faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galno,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale In ka badan 10 xubnood oo basaasiin u ahaa Khawaarijta ayaa waxaa gacanta ku dhigay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA oo beegsanaysay baasasiinta ku dhex abuurnaa hey’adaha kala duwan ee dowladda, sidoo kale waxaa jira Xubno ku dhex jiray ciidamada ammaanka oo basaasiin u ahaa khawaarijta, kuwaasi oo u baxsaday Khawaarijtii, ayna ku daba joogaan ciidamada ammaanka, waxaana ka mid ah Cabdisataar C/qaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamaed Cali oo labadooduba ka tirsanaa hey’adaha amniga.

Sawirka Ninkaan idiin muuqda waa Cabdisataar C/qaadir Ciise wuxuu Khawaariijta Al-shabaab ka soo goostay sanadkii 2020-kii, kadib waxaa lagu xareeyay xerada dhaqan celinta Sarandi ee Degmada Xamar Jab-jab ee Magaalada Muqdisho,  sanadkii 2021-kii Bishii April-na waxaa laga soo saaray xeradaasi isaga iyo kuwa kale, waxaana ay ka qeybgaleen weeraradii Madaxdii hore ee ka dhacay Hotelka Maa’ido iyo Degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho, ugu dambeyntiina Cabdisataar hadda Al-shabaab ayuu ku laabtay, waxaana raadinaya oo daba jooga ciidanka amaaanka.

Waxaa la gaaray kala guurkii iyo kala miiradkii isku dhex milankii dhacay shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu wargalinayaa dhammaan hey’adaha dowladda inaysan la macaamili karin xubnahaan basaasiinta ah ee lagu daba joogo.

Sidoo kale waxaa lagu war galinayaa Shacabka Soomaaliyeed xubnahaan qofkii xog ka helaa ama ay la soo xariiraan in ay ku soo wargaliyaan hey’adaha amniga. Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an inay ciribtirto basaasiinta gacansiinaya Maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya hey’adaha amniga.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 Ruux oo basaasiin u ahaa khawaarijta Al-shabaab,,kuwaasi oo ku dhax jiray hey’adaha Dowladda iyo kuwa Ammaanka, waxaa kale ee uu sheegay in kuwa kale oo ay ka mid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali,  kuwaasi oo ka tirsanaa hey’adaha amniga, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ku wargaliyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Wasiirka Warfaafinta XFS waxa uu soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro Khawaaijta, wuxuuna sheegay in la bilaabay  gabagabeeynta howlgalka Wejiga koowaad ee khawaarijta ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobaha  ay ku harsan yihiin, lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle, si loogu gudbo Wejiga labaad ee dagaalka ee howlgalka Dalka lagaga xoreynayo Argagixisada naf  la caariga ah.

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad ayaa waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaannada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay degan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka, ammaradaasi waxay kala yihiin:-

1-in aysan la macaamilin khawaarijta shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameedsanayo Khawaarijta. 2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Khawaarijta joogto si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada.3-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Khawaarijta iyadoo la qarinayo xogtooda. 4- Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan Khawaarijta arxanka daran.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure oo suugaan ku cabiraya waxa socda ee ah kala gurista isku milinkii, ayaa yiri   “Shantii saneey shirkoowdayoo, Shuftadu Shaar kasteey xirteen”. Marka waxaa la gaaray xilligii kala guri lahaa isku milinkii shantii sano ee la soo dhaafay.

By: Ruush Abdullah