1 min read

Faah faahin: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan G/Hiiraan.

Muqdisho :-Ciidanka Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta oo Sabti ah dilay dhowr maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab, qaar kalena waa ay dhaawaceen kadib howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada ay bur buriyeen Saldhig ay ku sugnaayeen Argagixisada.

“Ciidamadeenu waxay qaadeen tallaabo degdeg ah oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo shir ku lahaa deegaanka xilligii uu howlgalka socday. Waxaan dilnay dhowr ka mid ah dagaalyahannada Khawaarijta, waxaa naga go’an inaan gobolkan iyo dalka oo dhan ku baabi’inno argagixisada,” ayuu yiri Cadala.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay qorsheyneyso inay soo gabagabeyso wejiga koowaad ee howlgallada duulaanka ah ee lagu qaadayo deegaano ka tirsan maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.