1 min read

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Danab.

Muqdisho :- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadan tababarka dhammeystay loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kaas oo lagu waddo inuu Dalka ka bilowdo,isagoo u mahadceliyay dhallinyarada u dhabar adeegtay tababarka kuna ammaanay dadaalka ay bixiyeen.

” Maanta waa maalin aad u qiimo badan, waxaan isugu nimid inaan ka soo qeyb galno xaflad qalin-jabin guutada Danab qeybteedii 9-aad, tababarka ugu dhammaaday halkan Bali-doogle,Dugsiga magaciisa aadka u qiimo badan yabay oo loogu magacdaray walaalkeen AUN Xasan Tuure, aad baan ugu faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galno,” ayuu yiri Wasiirka.