1 min read

Ciidamada Xoogga Dalka oo khaarijiyay dhagar-qabe ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdiaho :- Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya Daraawishta maamulka Jubaland ayaa fashilayay dhagar qabayaal ka tirsan Khawaariijta Alshawaab ka tirsan, kuwaas oo damcay in ay miino ku aasaan waddada halbowlaha u ah deegaannada Janaay-cabdalle iyo Buulo Guduud oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa dilay dhagar-qabe ka mid ah khawaarijta, waxaana sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen qalab laga sameeyay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka masaakiinta ah ee waddadaas sida joogtada ah u isticmaala.