1 min read

RW Xamsa oo shir-gudoomiyay shirkii ugu horreeyay ee Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada.

Muqdisho : – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shir-gudoomiyay shirkii ugu horreeyay ee Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta, iyadoo kulankaasi lagu soo bandhigay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan xaaladda cuntada iyo nafaqada dalka, si wadajir ah. iyadoo indha-indhayn la xidhiidha shirarkii caalamiga ahaa ee sugnaanta cuntada ee Soomaaliya ka qaybgashay laga soo bilaabo 2021-kii.

RW Barre oo kulanka ka hadlay ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda muhiimka ah ee ay dowladdiisu siinayso xaqiijinta sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta shacabka Somaaliyeed, taasoo ugu dambeyn horseedi karta isku filnaansho dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray hay’adaha ay khuseyso arrimaha cuntada iyo nafaqeynta inay horumariyaan habab cunto oo waara iyadoo loo marayo waxqabadyo deegaanka u wanaagsan.