1 min read

Gudoomiyaha Sheekh Aadan Madoobe oo caawa magacaabay guddiga saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddiga saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xildhibaan ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe faray inay kulankooda ugu horreeya Guddoon ku doortaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa faray Xoghayaha Golaha Shacabka in liiska Guddiga u gudbiyo Safaaradda Sacuudiga si ay ugu sii gudbiso Guddoomiyaha Baarlamaanka Sacuudiga.