1 min read

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay qoys ka soo cararay colaadda Suudaan.

Muqdisho, :-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u soo celisay qoys Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan.

Qoyskan ayaa oo ka kooban afar caruur ah iyo waalidiintooda ayaa ka soo gudbay xuduudda Suudaan ay la leedahay dalka Itoobiya.

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta madaxweynaha ugu qaabilsan oo kaa shaanaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo Hay’adda IOM ayaa suuragaliyay soo gaarista qoyskan ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka la deriska ah, iyadoo fududeysay soocelinta boqolaalo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo u badan Caruur iyo dhalinyaro kuwaasi oo ku go’doomay colaadda Suudaan ka taagan.