1 min read

Maxay dowladda Soomaaliya ka ogeed gabadhii tartanka oradka uga qayb gashay Soomaaliya?

Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto hannaankii lagu soo xulay gabar lagu magacabao Nasra Abuukar Cali, oo Soomaaliya uga qayb gashya tartan orad ah oo ka dhacaya dalka Shiinaha, kaas oo Soomaaliya guul darro kala kulantay.

Maxamed Barre Maxamuud oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in gabadhu aaney qaranka ku mataleynin oradka ay ka qayb gashay bals uu ahaa orad heer jaamacadeed ah.

Wuxuu intaa ku daray in wasaardiisu aaney wax door ah ku laheyn arrinta gabadha iyo habka loogu xushay in ay tartankaasi ka qayb gasho.

Dhanka kale ururka ay ka midaysan yihiin jaamacadaha Soomaaliya oo iyaguna ka falceliyey arrintan ayaa dhankooda iska fogeeyay hawshaas, iyaga oo sheegay in aanu jirin orodyahan Soomaaliyeed oo ay u direen tartankaas.