1 min read

Dhulgariir ruxay dalalka Itoobiya iyo Eratariya

Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 ayaa fiidnimadii xalay ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo ilaa hadda la soo sheegay.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga.

Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka.

Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea.