1 min read

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay falalka lagu gubay Kitaabka Qura’aanka.

Jeddah :- Wasiirrada Arrimaha dibedda ururka iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay dalalka Sweden iyo Danmark ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka.

Wasiirrada oo habka aaladda fogaan aragga ku yeeshay kulankoodii 18-aad ayay ku dhaleeceeyeen  dhacdooyinka soo laalaabtay ee lagu gubayo nuqullo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka, iyagoo sheegay in ay taasi tahay mid xurmo darro ah oo abuuri karta nacayb iyo kala fogaasho.

Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabbilsan ururka OIC, Dr; Ibraahim Aaden Muuse oo Soomaaliya ku matalayay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliyiinta dowladaha Islaamka ay la yimaaddaan dedaal iyo wax qabad ku salaysan sidii looga hor tagi lahaa xurmo darrada lagu hayo muslimiinta.

Dr; Ibraahim Aaden Muuse ayaa sheegay in haddii la sahashado ay sii xoogeysan karaan ficillo gurracan oo ay ka mid yihiin caadeysiga Islaam nacaybka, faquuqa, cunsuriyadda iyo dambiyo fool xun oo soo noqnoqda.

Shirka ayaa layskula soo qaaday sidii loo xaqiijin lahaa ballan qaadyada dalalka saxiixay axdiga Qaramada midoobay ee ku aaddan dhowrista xuquuqda Aadanaha, ka hor tagga takoorka, ilaalinta diimaha, kala duwanaashaha, dhaqanka iyo luqadaha Caalamka.