1 min read

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo xukunka kasoo saartay 36 Eedaysane oo ajaanib ah.

Muqdisho :-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunka kasoo saartay 36 Eedaysane oo ajaanib ah kuwaas oo sife sharci darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Soomaaliya.

Eedaysanayaashan oo ay hore xukun ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa rafcaan ka qaatay xukunka hore.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa wax ka bedeshay Xukunkii ay hore ugu riday Eedaysanayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir,Maxkamada Rafcaanka ayaa Eedaysanayaasha ku xukuntay midkii ba lacag dhan $12000 oo dollar,waxa ay sidoo kale Maxkamadu xukuntay in lala wareego doomihii ay ku kaluumaysanayeen.

Eedaysanayaashan ayaa weli haysta fursad ay ugu dacwoon karaan Maxkamadda Sare ee dalka hadii ay ka qabaan wax cabasho ah xukunka ay ku rideen maxkamadda.