1 min read

Khilaaf soo kala dhex-galay Dowladaha Iran iyo Sucuudiga.

DUBAI, UNITED ARAB EMIRATES — Caqabad cusub ayaa la soo deristay heshiiskii ay gadh-wadeenka ka ahayd dawladda Shiinuhu ee la isugu soo dhoweeyey Iran iyo Sucuudiga, ka dib markii ay labada dal isku qabsadeen ceel shidaal oo ku yaalla Gacanka Persia.

Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa si wada-jira u sheegtay ceel shidaal oo ku yaalla xeebaha al-Durra, halka dalka Iran ay dhinacooda ka sheegteen inay leeyihiin xuquuqda goobta ceelkaas laga helay, taas oo ay ku magcaabeen Arash.

Labada dhinac ayaa bishii March waxay Tehran ku yeesheen wadahadal arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wax natiijo ah lagamada gaadhin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Iran Nasser Kanaani ayaa sheegay inaanu dalkiisu u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqdiisa, isaga oo taageerayey hadal uu hore u sheegay wasiirka shidaalka ee dalka Iran.

“Waxaanu hore u sheegnay, sida aanu diyaarka ugu nahay inaanu dalka Kuwait kala hadalno arrintan” ayuu u sheegay afhayeenku warbaahinta, isaga oo sii raaciyey “Hase ahaatee, haddii aanay jirin cid danaynaysa in laga wada faa’iidaysto goobtaas [ceelka shidaalka], Jamhuuriyadda Iran waxay si iskeed ah u bilaabaysaa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka”.

Wasiirka shidaalka ee Kuwait ayaa u sheegay telefiishanka Sky News Arabia toddobaadkii hore, in dalkiisu uu bilaabi doono qodista iyo soo saarka shidaalka, iyada oo aan la sugaynin in heshiis la gaadho.

Sucuudiga ayaa markaas wixii ka dambeeyey la saftay Kuwait, iyaga oo sheegay in labada dal ay leeyihiin goobta shidaalka laga helay, iyaga oo ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka.

AP