1 min read

QM oo soo dhoweysay in Kenya ay ciidamo u dirto Haiti.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dalabka dawladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo isku dhaf ah oo la dagaalama kooxaha budhcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalka Haiti, isla markaana ay dib u soo celiyaan kala dambaynta.

Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa bishii October ee sannadkii hore wuxuu soo jeediyey baaq degdeg ah oo ku aaddan, inuu u baahan yahay ciidamo caalami ah oo gacan ka geysta, soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta, isla markaana in la xakameeyo budhcadda.

Wasiirka arrimaha debedda ee dalka Kenya ayaa sabtidii ku baaqay in dalkiisu uu diri doono 1,000 askari oo boolis ah, kuwaas oo gacan ka geysta tababarida iyo taageerada ciidamada booliska ee Haiti, si ciidankaasi ay awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xarumaha hay’adda dawladda.

MAXAA KA SOCDA HAITI

Tan iyo bishii July ee sannadkii 2021, waxaa sii kordhayey awoodda kooxaha budhcadda ah ee dalkaas ka hawlgala, ka dib markii la shirqoolay madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise, waxaana haatan lagu qiyaasaa inay gacanta ku hayaan 80% caasimadda dalkaas.

Waxaa sare u kacay dilalka, kufsiga iyo afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo aanay ciidamada dalkaasi lahayn awood ay ku xakameeyaan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka inay taageeraan, hawlgal ka madax-banaan Qaramada Midoobay oo isku dhaf ah, isaga oo ku dhiirigeliyey dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ka qayb qaataan hawlgalkan.

AP