5 mins read

Soomaaliya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-Shabaab (WARBIXIN).

Maalinti Khamiista aheyd waxaa Magaalada Muqdisho Safar shaqo ku yimid Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson, waxa uuna kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyay Ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen Argagixisadu ay soo dadejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna  kala hadlay Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan Wejiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Mr: Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay dalkiisa in ay ku gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic darada iyo la dagaallanka Argagixisada, iyadoo uu Kaaliyaha Xoghayaha waaxda maaliyadda oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waana safarkiisii labaad ee uu ku yimaado qaaradda Afrika, isagoo kulamo la qaatay Masuulliyinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, si loo ballaariyo, islmarkaana looga gudbo caqabadaha iyo in loo tilaabsado fursadaha jira, safarkiisuna waxa uu  ku qotomaa adkeynta xiriirka maaliyadeed ee Mareykanka la leeyahay qaaradda Afrika.

Kadib Shir jiraa’id oo uu qabtay ayuu ku faah faahiyay ujeedka safarkiisa Muqdisho iyo guud ahaan qaaradda Afrika, “aad baan ugu faraxsanahay in aan idinla joogno Muqdisho maanta dhammaantiin. Wa safarkeyga labaad ee aan ku imaado qaaradda Afrika, waxaana la kulmay dhiggeyga Soomaaliya iyo Kenya si aan uga wada hadalno dhinacyada iskaashiga, annagoo ballaarinayno iskaashiyadaasi si aan uga gudubno caqabadaha iyo in aan u tilaabsano fursadaha ina horyaalla”, ayuu yiri Mr: Nelson.

Mar uu ka hadlaayay kulamadii uu ku qabtay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayuu Kaaliyuhu yiri “Muhiimadda ugu weyn ee kulamadii aan ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ahaa mid aan kaga wada hadlaynay sidii aan u xoojin laheyn iskaashigeena ee ka hortagga maalgelinta Argagixisada gobolka. Si taas loo gaaro, galinka dambe ee maanta, xafiiskayaga ee Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa magacaabi doonta shaqsi caan ah oo ah maalgeliyaha Argagixisada, magacaabidtiisna waxay taageero u tahay dadaaladda Soomaaliya iyo Kenya ee lagu dhabar jibinaayo maalgelinta Argagixisada. Maanta waxaan kala hadlay Madaxda Soomaaliya sidii aan isaga kaashan lahenyn sii kordhinta saameynta arrintan ee lagu beegsanayo argagixisada ku dhaqan Soomaaliya”

“Saameynta ugu badan ee cunaqabataynta aan soo rogno waxaa la helaa markii aan la shaqeyno saaxiibadayada. Waxaan kala hadlay maamulada Soomaaliyeed ee heerka ugu sarreeya in ay muhim tahay in aan goor hore xogta wadaagno iyo in la fududeeyo baaritaanada, lana fuliyo tilaabooyinka ka dhanka ah maalgeliyayaasha iyo kuwa fududeeya falalka argagixisada”, ayuu sii raaciyay.,

Kaaliyuhu Kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiin kale, waxay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ay ugu waaweynaayeen,  1: horumarka laga gaarayo dhisidda awoodda lagula dagaalamayo lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, tan 2-aad  horumarka lagu horumarinayo dib-u-habeynta muhiimka ah ee u oggolaanaysa Soomaaliya in ay dakhligeeda u isticmaasho horumarinta dhaqaalaheeda halkii ay ku bixin lahayd deymaha. Iyo 3-aad: istaraatiijiyad cusub oo ka timid waaxda Maaliyadda Maraykanka oo ku saabsan wax ka qabashada khatarta dhaqaale, si aan u fududeyno howlaha xawaaladaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee jaaliyadaha qurba-joogta ah ee ku dhaqan Maraykanka. Hagaajinta kontaroolada Soomaaliya u leedahay la dagaalanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta Argagixisada, fidinta maalgelinta, iyo khataraha ka timaada ka dhuumashada cunaqabataynta waxay kalsooni ku beereeysa waaxda Bangiyada Maraykanka, taasoo tuseysa in waaxda maaliyadda ee Soomaaliya la kormeero laguna nidaamiyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

“Laakiin safarkaygu kuma koobnayn kaliya ah shirarka dawladda. Waxaan la kulmey wakiilo ka socota qeybaha adeegyada Bangiyada iyo Xawaladaha Soomaaliya. Shirkadahan sida gaarka ah loo leeyahay ee safka hore ku jira waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta Argagixisada, iyaga oo la shaqaynaya maamulada maxalliga ah. Waaxda Maaliyadda waxay si dhow ula shaqeysaa hey’adaha maaliyadeed si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah iyo in la hirgeliyo xeerarka AML/CFT”, ayuu yiri Kaaliyaha.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa ogaaday in Cabdiweli Maxamed Yuusuf inuu yahay madaxa maaliyadda ee Daacish-Soomaaliya iyo xubin ka tirsan Daacish-ta Afrika oo dakhli ka soo saarta ISIS qeybinta qaaradda. ISIS- ama Daacishta Soomaaliya waxay ku howlan tahay baadda hey’adaha maaliyadeed, ganacsiyada maxalliga ah, iyo bixiyeyaasha adeegga lacagta Mobilada, iyagoo ka faa’iidaysanaya dayacanka hey’adaha Soomaaliya, si ay u maalgeliyaan hawlahooda, oo ay ku jiraan lacagaha Mobilada iyo Xawaaladaha.

“Waxaa naga go’an inaan u isticmaalno Maamulkeena si aan u taageerno Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada ay kaga hortagayso dhaq-dhaqaaqyada maalgelinta argagixisada ee wax u dhimaya amniga qaranka Soomaaliya khatarna ku ah xasilloonida gobolka”, sidaasi waxaa yiri masuul ka tirsan waaxda maaliyadda Maraykanka. “Tallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan Amarka Fulinta ee 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda”, ayuu sii raaciyay MATTHEW MILLER, Afhayeenka Waaxda Maaliyadda Maraykanka.