1 min read

Faah faahin ka soo baxday weerar lagu bur buriyay saldhigyo Shabaab Xadka u dhaxeeya Gobollada Galgaduud & Sh/Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin hordhac ah ka bixisay weerar ay la kaashatay saaxiibadeed caalamiga ah ee dhinaca weerarrada cirka ah ka gacansiiya oo ka dhacay deegaanna dhaca Xadka u dhaxeeya Gobollada Galgaduud & Shabeelaha Dhexe.

Warka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaan lagu beegsaday Saldhigyo iyo Gaadiid ay wateen ‘AS’ waxaana halkaas ku gaaray khasaara dhimasho iyo dhaawac oo Dowladdu tilmaamtay in ay dib kasoo shaacin doonto.

Ku dhowaad 10 Gaari oo ay ku jiraan labo nooca loo yaqaan BG oo ah Gawaarida waaweyn ee xamuulka qaadi kara, UD oo iyanna ah Gawaari kale oo qaadkoodu ballaaran yahay & Toyota Land Cruiser oo Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ‘Jab weyn la gaarsiiyay ‘AS’ wixii xog uruurin iyo xaqiijinta tira koobkana dib kasoo shaacin doonto‘ sida lagu yiri warka hordhaca ah ee kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.