1 min read

Dowlaada Soomaaliya oo cadaysay sababtii ka dambaysay shilkii garoonka Aadan Cadde ee diyaaradii Halla.

Dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay baaris horudhac ah oo ku saabasan sababbaha keenay shilkii garoonka Adan Cabdulle ay ku gashay diyaaradda Hala  tobankii Bishan.

Baarista ayaa sheegtay in ay ka jirtay dhabbaha diyaaraduhu ku cararraan dabeyl xoog leh oo ah nooca loo yaqaano dabeysha wareegta.

Shilkaas waxa ku dhaawacmay dhawr qof, waxana duulimaadku ahaa mid gudaha ah, oo diyaaraddu waxay ka timid magaalada Garoowe.