1 min read

Madaxweynaha Soomaaliya oo Roma uga qeybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah.

Muqdisho :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, iyagoo halkaas uu kaga qeyb-gali doona shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgali doono madasha geeska Afrika iyo Talyaaniga iyo sidoo kale shirka caalamiga ee la dagaallanka cunno yarida iyo macluusha oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka qeybgalaya shir saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga, isagoo sidoo kale kulammo doceedyo ah la qaadan doona madaxda kala duwan ee ka soo qeyb-galeysa shirar kaas ka dhacaya magaalada Roma.