1 min read

Faah faahin ka soo baxaysa Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Ciidamada  Kuliyadda Jaalle Siyaad ee ku taalla Wadada Warshadaha ee Magaalada muqdisho, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Nin isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada ku xareesan yihiin ee Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad si ay uga mid noqdaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.