July 23, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay dhaarinta xubnaha Golaha wasiirada Cusub.
Muqdisho :-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub ee Gollaha Wasiiradda maamulka ee uu shalay soo magacaabay. Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa sidoo kale ka qeyb galay Munaasabadda Dhaarinta Xubaha Cusub
Dagaal beeleedyadii ka dhacay Cadale iyo Raage Ceele oo Heshiis hordhac ah laga gaaray.
Xubnaha ku jira xal u helidda colaadda ka aloosan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in heshiis horu-dhac ah laga gaaray, dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee todobaadkii hore ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya wadahadallada qabaa’ilka dhexmaraya […]
Wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka iyo waxa waxa uu yahay is-afgaradkii ay kala saxiixdeen labada dal. Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan tegey dalka Ruushka ayaa magaalada Mascow kula kulmay Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, waxayna labada wasiir ka wada […]
Roobabkii ugu xooga badnaa muddo afartan sano ah oo ka da’ay Canada.
Mas’uuliyiinta dalka Canada ayaa sheegay in roobabkii ugu xoogganaa ee muddo afartan sano ah ka da’a gobolka Atlantic ay keenen daadad sababay koronto la’aan kumannaan guri ah. Booliska ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay ku jiraan labo carruur ah oo la socday gaari la qariyay. Madaxa Nova Scotia, Tim Houston, ayaa sheegay […]
Dagaalka sokeeye ee Suudaan ka socda oo boqol maalmood jirsaday
Boqol maalmood ayaa laga joogaa markii uu Sudan ka qarxay dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah. Ugu yaraan saddex kun oo qof ayaa la dilay, inkastoo tirada runta ah laga yaabo inaan weli la ogaan. In ka badan saddex milyan oo Suudaani ah ayaa ku barakacay colaadda. Dagaalka ayaa salka […]
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaa ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. 46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.
Maxkamadda Racfaanka oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 Ajaaniib ah.
Muqdisho:-Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 ruux oo ku eedeysan kalluumeysi sharci darro ah in ay ka sameeyen xeebaha Soomaaliya. Eedeysanayaasha oo hore ay xukunka ugu soo riday Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa racfaan kasoo qaatay maadaama qareenadooda ay sheegeen in aysan ku qancin. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee […]
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝘁𝗼 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱.
Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida […]
Gacan ka hadalkii Tik Tok-ga ee sababay geerida iyo garsoorka ciidamada.
Muqdisho:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa u fadhiistay kiis dil ah oo ka bilowday gacan ka hadal dhex maray dhalinyarro caan ka ah aaladda baraha bulshada ee Tik Tok. Kiiskaan Sharma’arke Xuseen jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billaawday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo kamid ahaa dhallinta TIKTOK-GA isticmaasha […]