1 min read

Dad ka careysan gubitaanka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo dab qabadsiiyay Safaaradda Sweden ee dalka Ciraaq.

Booliska magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa biyaha laga tuuro tubooyinka u adeegsaday boqollaal dibadbaxayaal ah oo xoog ku galay safaaradda Sweden ee ku leedahay dalkaas oo qaybo ka mid ah ay dab qabadsiiyeen.

Waa markii labaad oo dhismahan weerar lagu qaadayo tan iyo markii Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubay bannaanka masaajid ku yaalla magaalada Stockholm ee dalka Sweden bishii la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibadda sweden ayaa cambaareeyay weerarka lagu beegsaday safaaradooda Ciraaq, iyadoo Sweden ugu baaqaday dowladda Ciraaq ilaalinta diblumaasiyiinta halkaa ka jooga.

Shaqaalaha Safaaradda ayaa la sheegayaa in ay bad qabaan. Dowladda Ciraaq waxay sheegtay in lala xisaabtami doono dadka ka dambeeya weerarka lagu qaaday Safaaradda Sweden ee Ciraaq.