1 min read

Labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo yeelanaya kulan wadajir ah.

Muqdisho(p :-Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa  shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Ajandaha kulan maanta ayaa ahaa qeybinta xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji oo soo xirta kulanka ayaa sheegtay in maalinta Arbacada xildhibaanad labada Gole ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan kulan wadajir ah.